Duqa muqdisho oo dhagax-dhigay waddada 26-ka June

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa dhagax-dhigay waddada 26-ka Juun ee isku xirta isgoyska Shaqaalaha iyo isgoyska Sheekh Cali Suufi ee degmada Hodan.

Wadadan ayaa qeyb weyn ka qaadan doontaa fududeynta isku socodka gaadidka iyo dadweynaha

Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in maalgalinta ugu weyn ee dhismaha waddadan ay ka imaanayso sanduuqa gobalka Banaadir, arrintaas oo ah mid ka dhalatay dib-u-habeyn maamul iyo mid maaliyadeed oo la sameeyay taas oo suurtogalisay in la beeqaamiyo dakhliga.

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya