Duqa muqdisho oo daah-furay tartanka Quraan aqriska ee bisha Ramadaan.

0
53

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane, Maxamed Axmed Amiir ayaa daah furay tartanka Quraan aqriska bisha Ramadaan ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar.

Tartankaan oo ah mid sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa ku tartamaya ardey ka kala socda dugsiyadda Quraanka Kariimka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaan Xaadoole oo ka tirsan BFS, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Agaasimeyaal, Guddoomiye kuxigeenada arrimaha bulshada degmooyinka gobolka Banaadir, culuma’udiin, macallimiinta dugsiyadda, waalidiin iyo marti sharaf kale.