Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Duqa magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin iyo isku duwa wasaaradda tamarta iyo biyaha Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan Cawil Maxamed Jibriil ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay mashruuc wax looga qabanayo meelaha inta badan uu ka soo fataho webiga shabeelle.
Meelaha mashruucan wax looga qaban doono ayaa waxaa ka mid ah kiliga Hilikiyo, meel uu ka soo fataho webiga shabeelle oo ku yaalla xaafaddaha Buundo weyn iyo Xaawo Taako.
Isku duwaha wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan Cawil Maxamed Jibriil ayaa tilmaamay in mashruucan uu ahmiyad weyn ugu fadhiyo bulshada.
“ Mashruucan waxaa iska kaashanaya wasaaradaha tamarta iyo kheyraadka biyaha Somaliya iyo tan Hirshabeelle, waxana sidoo kale mashruucan ka qeyb qaadanaya iskaashiga caalamiga ee Jarmalka, waxana mashruucan uu ka socda meelo kala duwan oo magaalada ka mid ah, waan u mahad celinaya cid kasta oo gacan ka geysaneysa.”ayuu yiri isku duwaha wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan Cawil Maxamed Jabriil.
Duqa magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa sheegtay in mashruucan wax looga qabanayo meelaha uu ka fataho webiga shabeelle.
“ waxaan dhagax dhignay mashruuc wax looga qabanayo Fatahaada webiga shabeelle , waxana mashruucan laga sameyn doonaa saddex meelood oo kala ah xaafadda Laabka, Hilikiyo iyo Buundo weyn oo ah meelaha biyaha ay ka soo baxan, mashruucan waxaa fulinaya shirkadda Ceel Cali Group, waxana gacan ka geysanaya iskaashiga Caalamiga ee Jarmalka.”ayay tiri duwa magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin.
Webiga shabeelle ee dhaxmara bartamaha magaalada Baladweyne ayaa sannad gudaheed geystay saddex fatahaad kuwaasoo geystay khasaaro iskugu jira naf iyo maal, waxana hadda socda dadaalo wax looga qabanayo Fatahaada soo noqnoqotay ee webiga shabeelle.