Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Sannad kasta 4-ta Febraayo, Maalinta Kansarka Adduunka waxay awood u siisaa dhammaan dadka dunida ku nool inay u muujiyaaan taageero, waxaa lama huraan ah in aan kor loo qaado codadka bulshada si wadajir ah, oo aan la qaado tallaabo shakhsi ah oo lagu cadaadinayo dowladahu in ay wax badan kaqabtaan wax ka qabashada cudurkaan.
Maalinta Kansarka Adduunka waa maalinta kaliya ee kalandarka caafimaadka adduunka halkaas oo aan dhammaanteen ku midoobi karno oo aan isku soo baxno si aan u dabar goyno wax badanna uga qabano cudurkaan halista bada ee kansarka sidoo kale waa aan dad qaba u sameyno dhiirigelin.
Cudurka Kansarka adduunka ayaa ah mid aad u weyn waxaana lagu wadaa in uu sare u kaco.Waqtigan xaadirka ah, 8.2 milyan oo qof ayaa u dhinta kansarka adduunka sannad kasta, kuwaas oo 4 milyan oo ka mid ah ay yihiin dhimasho degdeg ah (30 ilaa 69 sano jir). Waxa loo baahan yahay in la qaado tallaabo degdeg ah si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan cudurka iyo in la sameeyo xeelado wax ku ool ah si wax looga qabto culayska kansarka.
Ugu horreyn waxaan wareysi la yeelanay qaar kamid ah bulshada ku nool deeganka dhoobley oo aan ka wreysanay ahmiyadda aya leedhaya maalintaan iyo sidokale inay wacyi ku aadan cudurkan u sameeyaan bulshada inteeda kale.
Ugu dambeyn waxaan wareysi la yeelanay diktoor Abdinasir bashir oo kamid ah dhaqaatiirta deegaanka kaas oo an ka wareysanay waxa keena cudurkan iyo sida looga hortagi karo.
Khadar Axmed Salaan ayaa ka warramaya