Dugsiyada ku yaalla degmada Hobyo oo codsi u diray Wasaaradda Waxbarashada Galmudug.

0
48

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xaflad si heer sare ah loo agaasimay ayaa ka dhacday magaalada Hobyo, taasoo lagu shaacinayay aqoonsiga rasmiga ah ee ay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Galmudug siisay Iskuulka Shiikh Maxamed Geeddi.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada, qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka iyo Ardayda Iskuulka.

Intii ay socotay xafladda, Maamulaha iskuulka, Nuur Axmed Maxamed, ayaa si qoto dheer u faah-faahiyay heerarka kala duwan ee uu iskuulku soo maray tan iyo aasaaskiisii, isaga oo xusay dadaalka lagu bixiyay kobcinta adeegyada waxbarasho ee Deegaanka.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa