Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)Xafiiska Qaramada Midoobey ee arrimaha bani’aadannimada ayaa sheegay 42,000 qof ay ka qaxeen duufaantii roobabka iyo dabeylaha wadatay ee dhawaan ku dhufatay xeebaha Buntilaan.
Ha’yaddda waxay sheegtay in duufaanta Gati ay khasaare ka geysatay gobolka xilli ay xirmeen waddooyinka taasina ay adkeysay in gargaar la gaarsiiyo dad ay saameeyeen fatahaadaha.
Xafiiska wuxuu sheegay in maamulka Buntilaan uu ku qiyaasay 180,000 qof inay saameysay duufaanta.
Roobabka mahiigaanka ah ee ka da’ay magaalada Boosaaso ayaa saamayn ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha iyo sidoo kale nolosha caadiga ah ee dadka deggan magaaladaas.
Roobabkan ayaa yimid xilli meelo badan oo xeebaha Buntilaan ay ku dhufatay duufaanta Gati, oo keentay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.