Dufaan boor wadata oo Iiraan ku kallifay iney goobaha waxbarashada albaabbda isugu dhufato.

0
168

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Duufaan boor wadata oo ku dhufatay magaalada Tehran ayaa dowladda Iiraan ku kallifay iney Isniintii gabi ahaanba albaabbada isugu dhufato iskullada, jaamacadaha iyo xafiisyada dowladda.

Sida oo kale gobolka Alborz oo ay dufaantaasi saameysayna waxay qaadeen tallaabbo taa la mid ah.

Boorka Duufaanta ka dhashay ayaa sababtay wasakheysiga hawada iney gaarto halkii ugu sarreeyey.

Duufaan tan la mid ah dalka Iiraan waxay ku dhufatay 25-kii Bishii May ee sanadkan.

Waddamada Ciraaq, Kuweyt iyo Sacuudi Carabiya waxay sida oo kale sanadkan la kulmeen dufaan tan la mid ah inkasta oo heerkeeda uu gaarsiisneen tan ku dhufatay Iiraan.