Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Kaabayaasha ee dalka Ukraine ayaa shaaciyey in 4 Markab oo ay ku raran yihiin 129,000 tan oo Qamadi ah ka soo shiraacdeen Dekedo ku yaalla Gobalka Odesa ee dalkaasi.
Qoraal uu Adeega Warbaahinta ee Wasaaradda Kaabayaasha Ukraine (The Press Service of the Ministry of infrastructure of Ukraine) soo dhigay Bartooda Facebook ayaa lagu xusay inay Maraakiibtaasi u kala shiraacdeen dalal ku kala yaalla Qaaradaha Africa, Asia iyo Europe.
Markabkaasi oo shalay oo Talaado ah ka soo shiraacday Gobalka Odesa ee dalka Ukraine waa Markabkii Saddexaad oo wada Qamadiga Ukraine oo loo soo daabulo dalka Kenya.
Haatan, 27 markab ayaa waxay Hawl Rarid ah u taagan yihiin Dekedaha Gobalka Odesa ee Ukraine, iyadoo Maraakiibtaasi lagu soo rari doono Shixnad Qamadi oo xamuulkeeda Guud uu dhan yahay Hal milyan oo tan (1 million tonnes).
Tan iyo bishii August 1-dii ee sanadkan, 569 Markab ayaa ka soo ambabaxay Dekedaha Gobalka Odesa ee dalkaasi, iyagoo waday Shixnado Qamadi oo dhan 14.3 million oo tonnes.