Dowladda Soomaaliya oo Talyaaniga kala hadashay Gurmadka Abaaraha

0
148

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, ayaa kulan la qaatay Safiirka ku xigeenka dalka Talyaaniga ee u fadhiya Soomaliya Amb. Massimiliano Bertollo.

Ugu horreyn, Ergeyga ayaa ka dhageystay safiirka warbixin ku saabsan howlaha gargaar ee Dowladda Talyaaniga ka wado gudaha waddanka Soomaliya.

Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga si ay u garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Ergeyga ayaa sidoo kale ka codsaday in ay si dhaqso leh dib u billaabaan taakulaynta ay siin jireen cusbitalka Martiini, Cusbitalka Jowhar, Xudur iyo Dhuusamareeb. Wuxuu kaloo kala hadlay kulanka ay dawlada Talyaaniga agaasimayso ee ka dhacaya xarruunta Qaramada Midoobay ee looga hadlayo gurmadka abaaraha Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Ugu danbeyn, Safiir ku xigeenka oo boggaadiyay dedaallada muuqda ee Dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso Arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo fududeynta ayaa u ballan qaaday Ergeyga in Dowladda Talyaaniga ay sii wadi doonto iska xilsaarista howlaha Gurmadka Abaaraha.