Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha

0
581

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ku tilmaamay waxa u wanaagsan ee uu maqli lahaa go’aanka uu Bangiga Adduunka ku ansixiyay 143 milyan oo dollar , lacagtaa oo lagu taageerray barnaamijka qaran ee taageerrada Dadka nugul ee Baxnaano.

Bangiga Adduunka ayaa taageero dheeraad ah siinaya hindisahan ay dowladdu hormuudka ka tahay. Maalgelinta dheeriga ah waxay ballaarin doontaa daboolida mashruuca horay u jiray  ee 20,000 qoys. Waxay sidoo kale siin doonaa lacag caddaan ah oo degdeg ah 338,000 qoys, iyada oo ku dari doonta 160,000 qoys kuwaas oo horay uga heli jiray qaadashada lacagta caddaanka ah degdegga ah ee mashruuca qeybta ka ah barnaamijka Baxnaano ee taageerrada qoysaska uu saameeyay Ayaxa.

“Taageerrada dhaqaale ee bangiga Adduunka waxay wax ka tari doonta ka jawaabida xaaladaha deg degga ah ee ka dhashay abaarta.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab oo inta ku daray “ Waan uga mahadcelinaya tallaabadan Bangiga Adduunka , waxaana xaqiijinaya Dawladda inay sameynayso wax walba si loo taageerro qoysaska.”

Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale ka faa’iideysanaya dhowr mashruuc oo horay u jiray si loo xoojiyo wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya. Iyadoo loo marayo Baxnaano, Bankiga Adduunka wuxuu taageeri doonaa ku dhawaad ​​500,000 qoys si ay uga hortagaan abaaraha socda.

“Waan ku faraxsanahay helitaanka warka, ogolaanshaha $143 milyan si wax looga qabto abaaraha, anagoo adeegsanayna barnaamijka qaran ee taageerrada qoysaska nugul ee Baxnaano, waxaan sii wadnaa inaan u adeegno kuwa ugu nugul.” Madaxa barnaamijka Baxnaano, Fardosa Axmed Cabdullaahi ayaa hadalkan sheegtay, markii uu soo baxay go’aanka uu bangiga ku ansixiyay lacagtan.