Dowladda Soomaaliya oo kordhisey Qiimaha xajka ee Sannadkan

0
176

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddiga Tartanka Adeega Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray Jaangooyada sicirka Adeega Xajka ee sanadka 1443/2022.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa wadarta guud ee sicirka adeega Xajka ee sanadkan looga dhigay $5,230 (Shan kun labo boqol iyo soddon doolar), waxaana qiimaha horay uu u haa $3800, iyada oo sanadkan lagu kordhiyay $1430. iyada oo la faray shirkadaha in adeegayada xujeyda Soomaaliyeed ay sare u qaadaan tayada adeegooda.

Guddiga Tartanka Adeega Xajka ee sanadka 1443/2022 kadib Markuu sameeyay xog uruurin iyo qiimeyn la xiriirta isbedelka ku yimid sicirka adeegyada xujeyda ee gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, duulimaadyada iyo kharashaadka kale ee lagama maarmaanka u ah adeegyada Xujeyda sanadka 1443/2022.

Markuu Tixgeliyay baahiyada iyo duruufaha sanadkan hareeyay guud ahaan Xujeyda caalamka gaar ahaan Xujeyda Soomaaliyeed.

Markuu Tixgeliyay tala soojeedinta mas’uuliyiinta shirkadaha sanadkan adeegaya Xujeyda Soomaaliyeed.

Markuu latashi la sameeyay mas’uuliyiinta sar sare ee Wasaaradda ayaa la jaangooyay sicirka Qiimaha xajka ee Sannadkan oo ku baxaya  (Caafimaadka, Shaqaalaha Gudaha iyo Adeegyada kale).

Soomaaliya waxaa sanadkan ka baxaysa xujay gaaraysa 5,000 waxaana qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka kajira ay  cabasho ka muujiyeen saamiga ay ha helaan tiradaas.