Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamed Cumar, ayaa si rasmi ah uga qeyb galaya toddobaadka saliidda Afrika ee 3-7 October ee 2022, kaasoo ka dhacaya bartamaha magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Wasiirka batroolka Soomaaliya ayaa ku biiri doona in ka badan 30 wasiir oo ka qeyb galidoona shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Hyve Group Pl oo qaban qaabiyaha bandhigyada caalami ah ee arrimaha shidaalka.
Qoraal kasoo baxay Afrika Oil Week, ayaa lagu sheegay in wasiir batroolka ay ka go’an tahay inuu abuuro suuq soo jiidasho leh islamarkaana uu mudnaanta siin doono sahaminta, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo iskaashiga gobolka si loo helo Geeska Afrika oo laf dhabar u ah dhaqaalaha qaaradda.