Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Biixi Iimaan Cige ayaa xafiiska ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Hay’adda Socdaalka Adduunka ee (IOM), Maxamed Abdikheyr.
Wasiirka iyo wafdiga ayaa wada-hadal ay yeesheen, waxaa diirrada lagu saaray xal u helida caqabadaha shaqo iyo socdaal ee ay wajahayaan Dhallinyarada Soomaaliyeed, saameynta abaaraha ee dalka ka jira, horumarinta mashaariicda taageeraya qoysaska nugul , dadka ku barakacay gudaha dalka iyo qaxootiga ku soo guryo noqonaya dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ay wadaa dadaalo ay ku dooneyso in xal loo helo abaarta daba dheeraatay ee xilligaan kajirta dalka Soomaaliya.