Dowladda Soomaaliya oo Codsi u dirtay dalalka Jaamacadda Carabta

0
212

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa kula kulmay Xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Danjire Ilyas Sheikh Omar, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna Ergeyga Joogtada ee Jaamacadda Carabta.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay dhowr arrimood oo ay ugu muhiimsanayd siyaabaha ay wadamada carbeed uga taageeri lahaayeen Soomaaliya wax ka qabashada xaaladda daran ee abaaraha ee ka jira dalka iyo sidoo kale doorashooyinka socda.

Wasiirka ayaa ka codsaday dalalka Jaamacadda Carabta inay ka qeyb qaataan sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa wax ka qabashada Abaarta saameeysay dad iyo Duunyo intaba.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo wafdiga socdaalkiisa ku wehliya ayaa Maanta oo Arbaco ah kaga qeybgali doona Magaalada Qaahira Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed meertadiisa caadiga ah ee 157aad.