Dowladda Netherland oo ka badbaaday qalalaaso siyaasadeed.

0
27

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaarada dalka Holland Dick Schoof ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka badbaaday qalalaase siyaasadeed, kaddib marki ay Jimcihi shalay is casishay wasiirkii maaliyadda, sababo la xiriiray caro ay ka qaadday qaabka ay dowladda u maareysay rabshadihi ka dhashay taageerayaal dhinaca kubadda cagta oo isugu gacan qaaday magaalada Amesterdam todobaadki hore.

Nura Ashahbar, oo aheyd Wasiirki Maaliyadda, isla markaana ah gabadh asal ahaan kasoo jeeda Morocco balse heysata dhalashada Netherlands ayaa Jimcihi si lama filaan ah u gudbisay iscislaadeedda.

Afar ka mid ah xisbigeeda NSC ee siyaasaddiisu dhex-dhexaadka tahay ayaa iyaguna wacad ku maray in ay is casili doonaan, arrintaasi ayaa keentay in kulan deg deg ah ay isugu yimaadaan golaha wasiirrada.

Ra’iisulwasaaraha Dhajka, Dick Schoof ayaa xalay sheegay in golahiisa wasiirrada ay gaareen heshiis lagu soo afjaray xasaraddan, isla markaana ay iscasishay kaliyah Nura Ashahbar, lagana baaqsaday is casilaado kale.

Ashahbar, ayaa u sababeysay is casilaadeedda hadallo todobaadkaan kasoo yeeray hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee Holland Geert Wilders, kuwaas oo uu si cunsuriyadi ku dheehantahay ugu weeraray bulshada asal ahaan kasoo jeedda Morocco ee ku nool dalka Holland.

Wilders ayaa Arbacadi ku eedeeyay dadka Morookaanka ah in ay ka danbeeyeen iskudhacyo dhex maray Isara’iiliyiin u badnaa taageerayaasha koox kubadda cagta ah oo ka socotay Isra’il iyo taageerayaal Muslimiinta Holland ah oo badankooda watay cimmaamadaha Falastiin.

Wilders ayaa yiri: “waxaan aragnay Muslimiin ugaarasanaya Yahuud, iyo Morookaan rabay in ay burburiyaan Yahuud.”

Wasiiradda Iscasishay, Nura Ashahbar ayaa hadalkaasi ku tilmaantay mid kala qeybinaya bulshada reer Holland, isla markaana dhaawac ku ah wadajirka, sidaasi daraadeedna aysan la shaqeyn karin dowladdaan wadaaga ah ee Holland.