Dowladda KGS oo ka tashaneysa Cuna yari ka jirta Deegaanadeeda.

0
36

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kulankan oo u dhaxeeyay Wasaaradda Gargaarka Maareynta iyo Musiibooyinka Koonfur Galbeed iyo Madaxda Hay’addaha ka shaqeeya Arimaha Samafalka ee Guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu Diirada lagu saaray sidii looga Hortagi lahaa Biyo Yarida iyo Cuno Yarida ka jirta Degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed.

Kulanka oo ay Goob Joog ka ahayeen Wasiirka Wasaarada Gargaarka Koonfur Galbeed, Wasiirka Biyaha Koonfur Galbeed , Maamulka Gobolka Baay iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa sidoo kale looga hadlay sidii Qorshe loogu yeelan lahaa Deeqihii Gargaar ee Bixin jirtay Dowladda Mareeykanka ee hakadka la geliyey.

Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya