Dowladda Ingiriiska oo tallaabo ka qaadeysa mukhalasiinta Dadka tahriibiya

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday nidaam cusub oo cunaqabateyn ah oo lagu beegsanayo kooxaha dadka tahriibiya. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa sheegtay in cid kasta oo ku lug yeelata tahriibinta dadka laga mamnuuci doono inay u safraan Ingiriiska, lana xayiri doono hantidooda.

Lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan, in ka badan 20,000 oo qof ayaa ku gudbey doomo yar yar, taasoo ah in ka badan boqolkiiba 50 marka loo barbar dhigo sannadkii hore, sida lagu sheegay xogta xafiiska arrimaha gudaha.

Isniintii, xoghayaha arrimaha gudaha Chris Philp ayaa sheegay in tirada dadka sida sharci darrada ah ku soo galaya gudaha Ingiriiska ay “dhibaato dhanka ammaanka ” u horseedayaan haweenka iyo gabdhaha.