Dowladda Canada oo xallineysa dhibaatada guryo yarida Toronto.

0
28

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xilli dhibaato dhanka guryaha ah ay wali ka jirto dalka Canada, gaar ahaan magaalada Toronto oo ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee dalkaas, ayaa waxaa soo baxaya rajo ay dowladda ku dhiseyso malaayiin guryo cusub ah, kuwaasoo la filayo in ay wax ka baddelaan dhibaatada taagan.

Dad badan ayaa qaba in dhisidda guryo cusub ay wax ka tari karto mushkiladda daba-dheeraatay ee dhanka guryaha.