Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaqday in Wadanka Xaalad deg Deg ah la galiyay.

0
119

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Gudiga gurmadka qaran ee fatahaadaha Elniino ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Madaxda Hay’adaha Gargaarka ee Soomaaliya ka howlgala.

Gudigan ayaa ka kooban Guddoomiyaha hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka ee Sodma Wasiiro Xillibaano iyo bulshada Rayidka ah.

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Maxamud Macalin Cabdi ayaa tilmaamay in dadkaasi loo baahanyahay in bulshada ay u kacaan waxuuna sheegay iyaguna doorkoodu ay ka qaadan doonan samatabixinta bulshada.

Maxamed Cali Samow.ayaa fah-faahinaya