Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Tirda dadka ku geeriyooday Roobka ka da’ay gobolada dalka

0
130

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo booqasho ku tagay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee Sodma ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweyay Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Sodma Dr Axmed Cabdi Aaden.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka oo shir jaraa’id ku Qabtay xarunta ayaa Sheegay in ay halis Weyn ay ka jirto Dalka taas oo ka dhalatay Roobab xoggan oo ka da’ay Wadanka Dhimashada ayuuna Sheegay in ka badan tahay toban qof sida uu xusay kuwaas oo ku geeriyooday Roobab xoggan oo ka da’ay Gobalada Gedo Baay iyo Meelo kale oo kamid ah Dalka waxaa kale oo uu Sheegay in ay dad badan ku barakaceen Roobabkaasi oo kuwaasi oo xiligan wajahaya xaalado adag islamarkaana u baahan Gurmad Dag dag ah
waxaana uu ugu baaqay Guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed in ay u mudoobaan sidii ay gurmad ugu fidin lahaayeen Dadkaasi.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawarmaya