Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababar Heer sare lagu adkaynayo nidaamka kormeerka iyo qiimaynta mashaariicda horumarineed iyo dib u dhiska kaabayaasha muhiimka ah ee dalka ayaa maanta Magaalada kismaayo uga furmay gudiga Qaran ee kormeerka iyo qiimaynta Mashaariicda Wasaaradaha Qorshaynta heer Federal iyo Maamul Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Baanadir.
Tababarka ayaa socon doona mudo 10 cisho ah iyadoo ay goob joog ahaayeen furitaankiisa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Jubaland, Guddoomiyaha Degmada kismaayo Agaasimaha waaxda kormeerka iyo qiimaynta Wasaaradda Qorshaynta Dowlada fedraalka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socday Maamul Goboleedyada KGS, Hirshabeelle, Galmudug, Putland iyo maamulka Gobolka Baanadir.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa fah-faahineysa