Dowlad Goboleedka Jubbaland oo wafti isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro u dirtay magaalada Muqdishu kuwaas oo Ciyaaryahanada Jubaland ku diirigalinaya garoonka

0
184

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni) Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa wafti isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro u dirtay magaalada Muqdishu si ay dhiirigaliyaan ciyaaryahannada Jubbaland ku matelaya ciyaaraha Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Waftiga ay Dowlad Goboleedka Jubbaland u dirtay dhiirigalinta xulka kubadda cagta ee Jubbaland ayaa isugu jira xildhibaan Maxamed Cali Caano Nuug oo katirsan BFS, Guddoomiye ku-xigeenka golaha wakiilada Jubbaland Mudane Cabdi Baaley Xuseen, Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Jubbaland mudane Xirsi Jaamac Gaani iyo masuuliyiin kale.

Waxaa waftiga ay Dowladda Jubbaland u dirtay Magalaada Muqdishu kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle masuuliyiin katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Agaasimayaal iyo xubno katirsan xiriirka kubadda cagta ee Jubbaland.

Waftiga ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan ciyaarta galabta dhexmari doonta Xulalka kubadda cagta Jubbaland iyo Xulka kubadda cagta ee Koonfur Galbeed.