Dowlad Deegaanka Soomaalida oo bilaabay baaritaanka cudurada ka dhasha Abaarta

0
229

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-9 gobol oo ka mid ah dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa loo kala diray dhakhaatiir iyo khabiirro si loo soo darso cudurrada ka dhalan kara abaaraha ka jira Deegaanka.

Xafiiska Horumarinta Kheyraadka Xoolaha dowlad degaanka ayaa xubnahaan isku-dhafka ah oo ka kala socday waaxda horumarinta wax-soo-saarka xoolaha iyo waaxda caafimaadka xoolaha ee xafiiska xoolahau kala diray 9 gobol oo ka mid ah Deegaanka si wax looga baddelo nidaamka adeeg-bixinta xarumaha caafimaadka ee degmooyinka iyo wax-soo-saarka xoolaha.

Kooxda ka socota waaxda horumarinta wax-soo-saarka xoolaha ayaa iyagu ka shaqayn doona in ay dar-dar-geliyaan xarumaha adeeg-bixinta wax-soo-saarka xoolaha sida; xarumaha dhaqashada digaagga, xarumaha rimay-gacmeedka iyo si guud xarumaha horumarinta wax-soo-saarka xoolaha ee ka jira 9-ka gobol.

Halka kooxda ka socota waaxda cafimaadka xooluhu iyada oo laga duulayo abaaraha daran ee ka jira Deegaanka iyo cudurrada ka dhalan kara ay 9-ka gobol ka billaabi doonaan baadhitaanka cudurrada fudud, soo-tabinta xogaha cudurrada iyo isku-xidhka rugaha caafimaadka xoolaha iyo bulshada.