Doorashooyin xasaasi ah oo Axadda ka dhacaya Turkiga.

0
72
Turkish President Tayyip Erdogan attends a press conference at the Maximos Mansion in Athens, Greece, December 7, 2023. REUTERS/Louisa Gouliamaki/File Photo

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Turkiga ayaa maalinta Axadda ah ee 31-ka bishan qabanaya doorashada golayaasha deegaanka iyo dowladaha hoose ee dalka oo dhan.

Doorashada sanadkan ayaa imanaysa iyadoo xisbiga AK ee madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu isha ku hayo inuu dib u hanto gacan ku haynta magaalada Istanbul, oo ah magaalada ugu weyn dalka Turkiga.

Natiijada ka soo baxda doorashooyinkan ayaa la filyaa in ay wax badan ka bedesho siyaasadda Turkiga.