Doorasho ay mucaaradka qaadaceen oo maanta ka dhacaysa Bangladesh

0
56

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa ay maanta doorasho guud ka dhacaysa dalka Bangladesh.
Ammaanka caasimadda dalkaasi ee Dhaka iyo magaalooyinka kale ayaa si wayn loo adkeeyay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh Sheikh Hasina ay codkeeda dhiibatay wax yar un ka dib markii la furay goobaha codbixinta.
Xisbiga ugu wayn ee garabka mucaaradka wadankaasi ayaa qaadacay ka qayb qaadashada tartankan siyaasadeed.

Goobaha codbixinta oo saaka furmay ayaa soo xirmi doono abaare 4-ta galabnimo ee saacadda dalkaasi.

Waxaa durbaba la billaabi doonaa tirinta codadka iyadoo natiijada horudhaca ah la filaya berri oo Isniin ah.
Ku dhawaad 800,000 oo ciidamo ah ayaa sugaya amniga doorashada.
Waxaa codeynta isku diiwaangeliyay ku dhawaad 120 milyan oo qof oo qiyaastii kala bar haween ah.