Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug ayaa lagu
waddaa in maanta lagu qabto doorashada labo kursi oo ka mid ah Aqalka Sare,
kuwaasoo dhawaan uu shaaciyay liiskooda Madaxweynaha maamulka
Galmudug.
Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa dooran doona
Musharaxiinta labada Kursi ee ugu dambeeyay ee Aqalka Sare.
Labadan kursi ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay ee ka harsanaa 54 kursi ee uu
ka kooban yahay aqalka sare iyadoo horey loo dhameystiray doorashada 52
kursi.