Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle lagu qabto doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Labada kursi oo doorashadooda mar dib loo dhigay ayaa xubnaha ku tartamaya diiwaangelintooda shalay la soo geba-gabeeyay, waxaana kuraasta Maanta doorashadooda ka dhaceyso Magaalada Jowhar ay kala yihiin.
1: Hop#115 oo 8-dii Sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Cali Maxamed Cumar ( Cali Balcad) waxaana Maanta ku tartami doona isla Cali Balcad iyo Mulki Cabdullaahi Islow.
2: Kursiga labaad ee Hop070 oo uu ku fadhiyo Aadan Cali Xasan, waxaana Maanta ku tartami doona Musharrixiinta Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh iyo Maxamad Xasan Bariiise.
Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in sidoo kale todobaadyada soo socda magaalada Jowhar lagu qabto doorashada Xubno kamid ah Golaha Shacabka.