Doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Jowhar

0
118

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah in Magaalada Jowhar ku qabtaan doorashada kursiga Hop#009.

Kursigaan ayaa kamid ah kuraasta ugu dambeeysa ee ka harsan Golaha shacabka, waxaana Maanta ku tartamaya Musharrixiinta kala ah Cabdisataar Cabdisalaan Sheekh Xassan Barsane oo kursigaan horay ugu fadhiyay iyo Cali Xassan Ibraahim

Shalay ayaa Guddiga doorasshhooyinka Hir-Shabeelle ay Shahaadada musharraxnimo guddoonsiiyeen musharrixiinta kursiga Hop#009 iyada oo Ammaanka Magaalada Jowhar siweyn loo adkeeyay.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa u harsan hadii Maanta la qabto doorashada kursiga Hop#009 Saddex kursi oo ay ku kala fadhiyaan Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Amniga ee hadda Cabdullaahi Maxamed Nuur & Kursiga ay ka geeriyootay Marxuumad Aamino Maxamed Cabdi.