Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu qabanayo Baraawe

0
281

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa Maanta lagu wadaa in degmada Baraawe oo ah goobta degaan doorashada labaad inay ku qabtaan doorashada 7 kamid ah kuraasta golaha Shacabka oo kamid ah 13 kursi oo dhawaan Guddigu sheegay in la qabanayo doorashadooda.

Guddiga ayaa shalay diiwaangeliyay 26 musharrax oo Maanta iyo beri ku tartami doona 13 kursi ee Golaha shacabka.

Maalinta berito ah ayaa sidoo kale la filayaa in degmada Baraawe lagu doorto 6 kamid ah 13 kursi ee Golaha Shacabka, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed uu noqonayaa Maamulkii ugu horreeyay ee qabta degaan doorashada labaad ee Golaha Shacabka.