Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta lagu qabto doorashada 5 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay degaannada Koonfur Galbeed.
Kuraasta doorashadooda Maanta la qabanayo ayaa kamid ah 11 kursi oo Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ay shaaciyeen 1-dii Bishaan, waxaana Shanta kursi ku loolami doona Xildbibaano horay ugu fadhiyay iyo kuwa doonaya inay hadda kamid noqdaan Golaha Shacabka.
Ilaa 100 Ergo ah ayaa kursigiiba u codeyn doona, kuwaas oo dhawaan tababar loosoo geba-gabeeyay, dowlada goboleedka Koonfur Galbeed ayaa noqonaya Maamulkii ugu horreeyay ee fuliya heshiiskii doorashada oo 9-kii Bishaan ay Magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha wadatashiga Qaran.