Doorashada kuraas kamid ah Aqalka Sare oo ka dhacaysa Dhuusamareeb

0
180

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu qabto doorashada 6 kamid ah kuraasta Aqalka sare oo uu Maamulka Galmudug ku yeelayo Baarlamaanka Soomaaliya.

Shalay guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug waxaa ay diiwaangeliyeen 12 musharax oo ku tartami doona lixda kursi ee Aqalka sare, kuwaas oo manta dhaceyso doorashadooda.

Musharixiinta ayaa marka hore waxaa ay khudbadooda musharaxnio u jeedin doonaan Golaha Wakiilada dowlad Goboleedka Galmudug, iyada oo intasi kadib ay doorashada bilaaban doonto.

Xubnaha 12 musharax ay ee doorashada Maanta ku tartami doona ayaa qaarkood afartii sano ee la soo dhaafay waxaa ay kamid ahaayeen Xildhibaannada Aqalka sare, waxaana Magacyada musharixiinta ay kala yihiin.

Cabdi Axmed Dhuxulow,

Nuur Xasan Guutaale

2 Yuusuf Gelle Ugaas

Daahir Faarax Filidow

3 Siciid Siyaad Shirwac

Maxamed Daahir Maxamed

  1. Samsam Daahir Maxamuud

Farxiyo Maxamed Guure

  1. Cabdixakim Macalin Axmed

Ismahaan Cabdi Xuseen

  1. Duniyo Maxamed Call

Qadro Cabdullahi Isxaaq

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Baarlamaanka galmudug lagu arkaya Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida oo amniga xaqiijinaya.