Doorashada kuraas Golaha Shacabka oo maanta dhaceysa

0
520

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Guddiga maamulka doorashada Galmudug ayaa shaaciyay xubnaha isku diiwaangeliyay magacyadooda iyo kuraasta ay u tartamayaan oo Saddex ah.

Sida qorshuhu guddigu yahay maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada kuraastaas oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Gaalkacyo.

Kursi koowaad ee la qabanayo doorashadiisa ayaa ah Hop#069 oo uu markale u taagan yahay ku guuleysiga kursigaas Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa iyo Musharax Maxamed Axmed Maxamed.

Kursiga labaad waa Hop#38, waxaa ku tartamayo musharixiinta kale ah Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad),
Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe), Aadan Warsame Cilmi, Maxamed Cabdi Faarax iyo Saciid Daahir Sheekh Maxamed.

Kursiga Seddexaad ee maanta lagu qabanayo doorashadiisa magaalada Gaalkacyo ayaa ah Kursiga Hop#095, waxaa u taagan u tartamidiisa musharixiin dhowr ah, waxaana ka mid ah Cabdikariin Khaliif (Dhalac), Maxamuud Kudun Xiimaa, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud iyo Maxamed Saciid Faarax.

Doorashada Kuraastaan waxaa kal hore ugu adkaa kursiga Hop#069 oo ahaa kursi si aad u weyn loogu hadal hayay indhaha, balse saacado uun kadib ayey waxkasta is badaleen, kadib go,aan ku aadan kursigaas uu kasoo baxay Wasiir ku-xigeeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala