Dood ku saabsan casharada laga bartay cutubyada dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho.

0
42

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dood wadaag ku saabsan cashirada laga bartay ansixinta afarta cutub ee dastuurka oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada, xillibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamanka, Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Fedaralka, Ururada bulshada rayidka ah, Gudiga la socodka dastuurka ee Baarlamanka, Gudiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Doodan ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Cadaalada iyo dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay