Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Donald Trump ayaa sheegay in uu aad ugu carooday madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka dib toddobaadyo uu isku dayay in uu ka xaajoodo xabbad joojinta Ukraine.
Wareysi uu siiyay NBC News, ayuu madaxweynaha Mareykanka ku sheegay in uu Putin ugu carooday in uu weeraray kalsoonida madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, wuxuuna ku hanjabay in uu canshuur 50% ah ku soo rogi doono waddamada iibsada saliidda Ruushka haddii uusan aqbalin xabbad joojin.
“Haddii aniga iyo Ruushka aan awoodin inaan heshiis ka gaarno joojinta dhiigga daadanaya ee Ukraine, iyo haddii aan u maleynayo inay tahay qaladka Ruushka – taas oo laga yaabo inaysan ahayn… Waxaan ku soo rogi doonaa canshuur labaad … dhammaan saliidda ka soo baxda Ruushka,” ayuu yiri.
Faallooyinkaas waxay muujinayaan isbeddel ku yimi hadalkii Trump ee ku aaddanaa Putin iyo Ruushka.