Donald Trump oo dadka darbijiifka ah ka saaraya Washington.

0
52

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo in uu ka saaro dadka hoy la’aanta ah ama darbijiifka ah magaalada Washington isla markaana uu xiro kuwa dambiyada galay. Isagoo soo dhigay sawirro muujinaya teendhooyin iyo qashin, Mr. Trump wuxuu sheegay in dadka hoy la’aanta ah “loo wareejin doono meel ka fog caasimadda” si looga dhigo “goob ammaan ah oo qurux badan.”

Warbaahinta Maraykanka ayaa soo warinaysa in Aqalka Cad uu soo jeedinayo in ilaa kun askari oo ilaalada qarank ka mid ah loo diro magaalada, inkasta oo duqa magaalada, Muriel Bowser, ay ku adkaysanayso in dambiyada rabshaduhu sababeen ay hadda marayaan heerkii ugu hooseeyay muddo 30 sano ah.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyey in dadka hoy la’aanta ah laga yaabo in loo raro xarumo xiran oo la mid ah kuwa lagu hayo muhaajiriinta. Mr. Trump ayaa la filayaa inuu qabto shir jaraa’id oo ku saabsan arrintan Isniinta maanta ah.