Donal Trump oo doonaya isbedel maamul oo ka dhaca Iran iyo qiimaha shidaalka oo kacay

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Donald Trump ayaa carrabaabay suurto-gapnimada ah in isbeddel hoggaan uu ka dhaco Iiraan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in iyadoo aysan siyaasad ahaan saxsaneyn in la adeegsado erayga isbeddel hoggaan, hadii dowladda haatan ee Iiraan ay awoodi weyso inay sidaa sameyso, ay lagama maarmaan noqoneyso inuu isbeddel dhaco.

Dhanka kale, suuqyada tamarka ayaa markii ugu horreysay dib u furmay xilliyada ganacsiga tan iyo markii Mareykanku weerarka ku qaaday Iiraan, iyadoo qiimaha shidaalka uu sare u kacay.

Markii la furay quusyada, qiimaha ayaa kor u kacay boqolkiiba saddex balse hoos ayuu uga soo dhacay ilaa 2.75%. kororka ma aha mid aad u daran sida ay ka cabsi qabeen qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha.