Diyaaradda Ethiopian Airlines oo dib u bilaabaysa duulimaadyadii gobolka Tigray

0
164
An Ethiopia’s Airlines Boeing 737 Max 8 plane to take off on a demonstration trip to resume flights from the Bole International Airport in Addis Ababa, Ethiopia February 1, 2022. REUTERS/Tiksa Negeri

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Diyaaradda Ethiopian Airlines oo ah shirkadda ugu weyn ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay dib u bilaabi doonto duulimaadyadii maalinlaha ahaa ee ay ku tagi jirtay magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray, iyadoo la sii ambaqaadayo heshiis nabadeed oo ay garwadeen ka tahay Midowga Afrika.

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa sheegtay inay duullimaadyo maalinle ah ay howlgalin doonto laga bilaabo Arbacada ayna kordhin doonto tirada duullimaadyada maalinlaha ah hadba baahida loo qabo.

Shirkadda ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay gobolka toddobaadyo ka dib markii uu dagaal ka dhex qarxay bishii Nofeembar 2020 ciidamada federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF.

Madaxweynaha shirkaddan, Mesfin Tasiou, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dib u soo celinta duullimaadyada ay ka caawin doonto qoysaska inay isku xirmaan marka laga soo tago fududeynta ganacsiga iyo dalxiiska.

Dib u bilaabashada duulimaadka ee lagu dhawaaqay ayaa imanaysa maalin uun kadib markii saraakiisha Itoobiya ay gaareen caasimadda Tigray ee Mekelle markii ugu horreysay muddo ku dhow laba sano, si loo fuliyo heshiiskii nabadeed ee November.

Guddoomiyaha baarlamaanka Itoobiya Tagesse Chaffo Dullo ayaa hoggaaminayay wafdiga oo ay ka mid ahaayeen lataliyaha dhanka ammaanka ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed, madaxda shirkadaha dowliga ah, iyo xubno ka tirsan guddiga wadaxaajoodka qaranka ee Itoobiya.