Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Diyaarad ay leeyihiin militeriga Ruushka ayaa ku dhacday meel la dagan yahay oo ku taalla koonfurta Siberia, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.
Diyaaraddan oo lagu magacaabo Sukhoi Su-30 ayaa ku dul dhacday guri ka kooban labo dabaq oo ku yaalla deegaanka Irkutsk, sida barta Telegram-ka ku sheegay guddoomiyaha gobolka.
Guddoomiyaha gobolka wuxuu intaa ku daray in duuliyeyaashii diyaaradda ay dhinteen iyadoo ay waxyeello ay soo gaartay dadka deegaanka.
Muuqaallo lagubaahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay holac iyo qiiqa kasoo baxaya goobta ay ku dhacday diyaaradda.