Diyaarad rakaab ah oo laga leeyahay dalka Hindiya oo burburtay.

0
65

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Diyaarad sidday 242 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku burburtay magaalada galbeed ee Ahmedabad ee dalka India.

Diyaaradda Boeing 787-8 Dreamliner oo ay leedahay shirkadda Air India ayuu duullimaadkeedu ahaa 171 waxayna ku wajahnayd magaalada London ee Ingiriiska sida laga soo xigtay saraakiisha waaxda duullimaadka.

Waxay soo dhacday wax yar uun ka dib markii ay duushay.
Shilka ay gashay ayay saraakiishu ku tilmaameen dhacdo naxdin leh.
Wasiirka duullimaadka ee dalka India Ram Mohan Naidu ayaa sheegay inuu aad uga naxay burburka diyaaradeed ee laga soo tabiyay magaalada Ahmedabad.

Maamulka duullimaadka rayidka ee India ayaa xusay in 242-da ruux ee ay diyaaraddu sidday,labo ay ahaayeen duuliyeyaal halka 10 ay ahaayeen shaqaalaha diyaaradda.

Shirkadda duullimaadka ee Air India ayaa sheegtay in rakaabka ay isugu jireen 169 qof oo u dhashay India ,53 ka soo jeeda Ingiriiska ,7 u dhashay Portugal iyo muwaadin Canadian ah.

Taliyaha booliska ee magaalada Ahmedabad ayaa sheegay in aysan jirin cid ka badbaaday shilka diyaaradeed ee ka dhacay galbeedka dalka Hindiya, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka ee AFP iyo AP.