Diyaarad markii ugu horreysay 6 sano kadib ka duuli lahayd Yemen oo la hakiyay

0
353

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa lagu soo warramayaa in la hakiyay duulimaadka diyaarad rakaab qaadda oo markii ugu horreysay muddo 6 sano ah ka ambabixi lahayd magaalada Sancaa ee dalka Yemen.
Duulimaadkan ayaa markii ugu dambeysay dhacay sanadkii 2016-kii.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in amarka lagu hakiyay duulimaadka uu yimid ka dib markii aan la buuxin shuruudaha oggolaanshaha ee isbeheysiga militari ee uu Sacuudiga hoggaaminaya kaasoo garab siinaya dowladda Yemen.

Dowladda Yemen ayaa sheegtay in caqabaddan ay sabab u tahay kooxda Xuutiyiinta ee dalkaasi ka dagaallanto oo isku dayayay inay diyaaradda raacaan xoogagga ilaalada ee kacaanka Tehran iyo xubnaha Xisbullah.
Maamullada ammaanka ee magaalada Sanca ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid xadgudub ku ah heshiis horay loo gaaray.

Waxaa uu qorshuhu ahaa in diyaaraddan oo ay maamusho shirkadda qaran ee duulimaadka ee Yemenia ay ka soo baxdo magaalada Cadan si ay ugu yar hakato garoonka diyaaradaha ee Sancaa ka hor inta ayna rakaab u baahan daryeel caafimaad gayn caasimadda Jordan ee Cammaan.