Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Suuqyada dharka iyo Carwooyinka ku yaalla magalada Dhoobley waxaa si aad ah looga dareemaya mashquul iyo diyaar garow xoogan oo la xiriira maalinta Ciidul fidriga ee maalmo kooban ay ka harsan yihiin.Dadka ayaa waxay isku diyaarinayaan maalinta ciida waxayna gadanayaan dhar iyaga oo sidoo kale caruurta u iibinaya dharka ciida ee soo baxay sanadkan iyo agabka ay ku ciyaari lahaayeen.
Suuqyada waxaad ku arkeysaa xilligan waalidiin fara badan, kuwaasi oo soo kaxeeyay caruurtooda si ay ugu soo iibiyaan dharka Ciida.Waalidiinta ka tukaameysanayo Suuqyada waxaa ay tixgalinayaan rabitaanka caruurtooda waxay u iibinayaan dharka ay caruurta rabaan.Waalidiinta qaar ayaa sheegay in xilligan ay u diyaar garoobayaan dabaal dagga maalinta Ciidul fadriga agab iyo dharna ay u iibinayaan caruurtooda.Sanad walbo dharka gabdhaha ayaa ka qaalisan kuwa wiilasha
Ganacsatada qaar ee iibisa dharka ayaa inoo sheegay in ciidan ciidihii hore ay ka duwan tahay isbadal weyna uu ka jiro suuqa maadaama bulshada ku nool deegaanada jubbaland ay saameysay abaartii ku dhufutay qeybo kamid ah dalka islamarkana ay yartahay tirada dadka wax iibsanaya markii laeego ciidi sanadkii hore.
Naxwo Axmed Kadiye. ayaa warbixintan inooga diyaarisay