Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Iyadoo ay fooda nagusoo heyso bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa bulshada ku nool Magaalada Dhoobley diyaar garow ugu jiraan soo dhaweynta bisha barakeysan.
Bulshada ku dhaqan deegaanka dhoobley ayaa walaac ka muujiyay sare u kaca dhanka maciishada ah ee ka jira deegaanka xilli diyaar garow looga jira bisha ramadaan.
Qaar kamid ah bulshada ku nool deegaanka dhoobley ayaa ka warbixiyay sida ay uga diyaar garoobayaan bisha ramadaan waxayna ganacsatada ka codsadeen in laga khafiifiyo qiimaha maciishada oo aad sare ugu kacday.
Sikastaba ha ahaatee bisha ramadaan ayaa ah bil aad uga wayn umada muslimiinta ah waxaana suuqyada magaalada dhoobley laga dareemayaa diyaar garowga bisha Ramadaan.
Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay