Dilaaga Barcelona Kusoo Biiraya Bisha January Oo La Shaaciyey

0
129

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa loo xaqiijiyey, in bisha January ay heli doonaan dilaaga ay heshiiska la gaadheen xagaagii ee qorshahoodu ahaa in ay bisha January helaan, kaas oo ay kaga dheganayd kooxda reer Brazil ee Athletico Paranaense.

Andre Cury oo ah wakiilka weeraryahanka reer Brazil ee Vitor Roque ayaa xaqiijiyey, in Barcelona ay heshiis la gaadhay naadiga reer Brazil ee Athletico Paranaense oo ay isla meel-dhigeen in laacibkan uu yimaaddo Barcelona bisha January.

Heshiiskii xagaagii ee Barcelona iyo Athletic Paranaense ayaa dhigayay, in dhinacyadu ay ka wada xaajoodeen in laacibkan loo ogolaanayo inuu ku biiro Barcelona, waxaana Andre Cuty uu xaqiijiyey in hadda heshiiska la isla meel-dhigay.

Waraysi uu siiyey idaacadda RAC1, ayaa waxa uu Cuty ku sheegay, in wax walba la isla meel-dhigay oo uu Vitor Roque iman doono Barcelona bisha January ee ee sannadka dambe ee 2024, waxaana warkani uu farxad u yahay Xavi Hernandez oo ka walaacsan dhaawacyada ruxay naadigiisa

Robert Lewandowski oo ah weeraryahanka dhexe ee uu Xavi kalsoonida badan ku qabo ayaa dhaawacmay isla markaana soo noqon doona horraanta bisha November amaba dhamaadka bishan October, waxaana beddelkiisa oo ah Ferran Torres uu Xavi u arkaa mid aan buuxin karayn booskaas, isaga oo dabada ka riixaya in Vitor Roque uu yimaaddo kooxda bisha January.