Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Kuleem garka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Maanta oo Arbaco ah ka bilabatay diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya qeybta ka imaaneysa Jubbaland.
Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ayaa diiwaangeliyay musharixii ugu horreeyay, isla markaana la siiyay Shahaadada musharaxnimo, kaas oo lagu Magacaabo Ilyaas Baddal Gaboose.
Sidoo kale waxaa socota diiwaangelinta Musharixiinta Aqalka Sare, kuwaas oo lagu bilaabay 9 Xubnood oo uu shalay u gudbiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha Jubbaland, iyaga oo ku tartamaya Afar kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee degaannada Jubbaland.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa la filayaa in guddiga doorashooyinka uu u gudbiyo liiska xubnaha harsan ee musharixiinta Aqalka Sare si ay uga qeyb galaan doorashada Aqalka Sare ee ka dhaceysa Magaalada Kismaayo.