Digniin iyo wargelin lagasoo saaray Bad-xiranka.

0
58

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu wargelineysaa ganacsatada, kalluumeysatada, milkiilayaasha gaadiidka badda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Digniinta ayaa ku saabsan in uu bilowday xilliga bad-xiranka, oo ah xilli ay ka jiraan mowjado iyo dabeylo xoog leh Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

Muddadan bad-xiranka waxay socon doontaa laga bilaabo 26 May 2025 ilaa 15 September 2025.

Wasaaraddu ayaa ku wargelineysaa dhammaan dadka ay khusayso in ay digtoonaadaan inta lagu jiro muddadan, gaar ahaan doomaha yaryar, kuwa waaweyn, iyo maraakiibta cabirkoodu ka yar yahay 1,500 Metric Ton inta ya baddau kacsantahay.

Dhanak kale, shacabka waxaa si gaar ah loogu digayaa in aysan ku dabaalan badda muddadaas, si looga fogaado in ay soo gaarto halis nafta iyo hantida intaba taas oo ka dhalan karta xaaladaha cimilada.