Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shirkadda Apple ayaa soo saartay hab cusub oo ay ku hagaajinayso cilladaha amniga ee aaladaha iPhone, iPad iyo Mac, kuwaas oo ay sheegtay in laga yaabo in tuugadu si fudud uga faa’iidaysteen.
Mas’uuliyiinta Shirkaddan teknolojiyadda ayaa warka ay soo saareen ku sheegay in software-ka cusub uu samaynayo cusboonaysiinta amniga oo muhiim ah, waxaana lagula talinayaa dhammaan macaamiisha inay ku dhaqaaqaan cusboonaysiinta.
Ilaa hadda ma jiraan warar la xaqiijiyey oo sheegaya kiisas gaar ah oo cilladaha amniga loo adeegsaday dadka ama aaladaha.
Cusbooneysiinta softiweerku waa maalin kasta, laakiin tani waa hal cusbooneysiin oo aan la iska indhatiri Karin, maadaama ay diginin culus la socoto.
Dunida ayaa maanta si sax ah uga walacsan amniga internetka iyo awoodda ay isticmaali karaan burcadda inter-net-ka haddii ay bartilmaameedsadaan qalab u nugul weerarka.
Inta badan isticmaalayaasha ma jirto wax ay ka argagaxaan maadaama aysan jirin wax soo jeedinno ah oo sheegaya in jabsadayaashu ay ka faa’iideysteen daldaloollada amniga si ay u qaadaan weeraro ballaaran oo ka dhan ah dadweynaha.
Sidoo kale waa in la sheegaa in qeyla dhaanta ka soo yeereysa baraha bulshada ee ku saabsan cusboonaysiinta amniga ay suurtagal tahay in laga dhigo xad dhaaf.
Apple ayaa soo saartay cusboonaysiinta amniga deg-degga ah ee la midka ah sanadka oo dhan – oo ay ugu dambeysay bishii Maarso – iyada oo aan wax badan laga argagaxin.
Software-ka ka shaqeysiiya telefoonnada gacanta, kumbiyuutarrada iyo aaladaha kale ee shirkadda Apple ayaa si joogto ah loo cusbooneysiiyaa, taas oo ku xiran arrimo kala duwan.