Dibedbaxyo ka bilowday Turkiga ka dib xarigii maayarka Istanbul.

0
59

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xisbiga mucaaradka ah ee dalka Turkiga ayaa xarigga duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamolu,ku tilmaamay afgambi. Imamolu ayaa loo arkaa in uu yahay siyaasiga sida weyn uga soo horjeedo madaxweyne Recep Tayip Erdogan.

Mr Imamoğlu iyo tobanaan qof oo kale oo lala xiriirinayo mucaaradka ayaa wajahaya eedeymo ay ka mid yihiin musuqmaasuq.

Horay, kumannaan qof oo ku nool Istanbul ayaa dhigay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan xarigga duqa magaalada.

Dhammaan mudaaharaadyada ayaa la mamnuucay muddo afar maalmood ah, iyo booliska ay basbaas ku buufiyeen dadkii isugu soo baxay magaalada Ankara.

Ekrem Imamoglu wuxuu ku qoray baraha bulshada “lama aamusinkaro waxa dadku doonayaan”.

Muuqaal Fiidiyow ah oo la soo dhigay internet-ka ayuu ku ballanqaaday in uu taagan yahay dadka Turkiga iyo “adduunka inta u taagan dimuqraadiyada iyo cadaaladda”.

“Waxaa iga go’an in aan u dagaallamo xuquuqda aasaasiga iyo xoriyadda,” ayuu yiri Imamoglu.

Xarigiisa ayaa ku soo aaday kaddib howlgallo bilihii u dambeeyay lagu soo qabqabanayay mucaaradka dalka oo dhan.