Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dibadbaxayaal aad u fara badan ayaa isugu soo baxay magaalooyinka dalka Mareykanka si ay u cambaareeyaan madaxweyne Trump, mudaaharaadyadii ugu ballaarnaa ee dalka oo dhan ka dhaca tan iyo markii uu madaxweynaha xilka qabtay bishii Janaayo.
Hal-ku-dhigga mudaaharaadyada oo ah “Hands Off” ayaa waxaa uu qorshaha ahaa in la qabto isu soo baxyada 1,200 goobood, oo ay ku jiraan dhammaan 50-ka gobol ee Mareykanka. Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay Boston, Chicago, Los Angeles, New York iyo Washington DC, iyo magaalooyin kale.
Dibad-baxayaashu waxay soo xiganayeen cabashooyin ku saabsan ajendaha Trump sida arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa socotay hadal haynta iyi dhaleeceynta tallaabada Trump ee canshuuraha taas oo xitaa aad u saameysay dadka Mareykanka.