Dibadbaxyada Kenya oo geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

0
69
FILE PHOTO: A riot police officer stands near supporters of Kenya's opposition leader Raila Odinga of the Azimio La Umoja (Declaration of Unity) One Kenya Alliance, during an anti-government protest against the imposition of tax hikes by the government, in Mathare settlement in Nairobi, Kenya, July 12, 2023. REUTERS/John Muchucha/File Photo

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Kenya waxaa hadda ka socdo dibadbaxyo ay dhigayaan dadka kenyanka ah ee ka soo horjeeda hindse-sharciyeedka maaliyadda ee canshuurta lagu kordhinayo.

Nairobi, Mombasa, Nakuru iyo magaalooyin kale ayaa boqollaal dad ahi isugu soo baxeen waxaana ay wataan boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigayo ay ku diidanyihiin sharciga lagu kordhinayo canshuurta xilli dad badan ay sheegayaan in ay dareemayaan culeys dhanka nolosha ah.

Ciidamada booliska Kenya ayaa suntan dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday banaanbaxayasha sida laga dheehan karay muuqaallo uu baahiyay telefishnka laga lee yahay Mareykanka ee CNN.

Wararka kale ee ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegay in banaanbaxay ay gudaha u galeen xarunta baarlamanka islamarkana ay baxsadeen xildhibannadii ku sugnaa.

Isbitaalada ayaa la sheegayaa in la soo gaarsiinayo dad ku soo dhaawacmay dibadbaxyada.