Dib u heshiisiinta Wajiga labaad Beelihii ku dagaalamey Degmada Luuq oo Lagu Guuleystay.

0
51

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wafdigii Nabadaynta u joogay Degmada Luuq ayaa ku guuleystay wajiga labaad oo ahaa kulan la iskugu yeeray Odayaasha dhaqanka Beelihii ay shaqaaqadu ku dhexmartay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Kulankan oo ahaa bilowga nabadaynta wajiga labaad ee Beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Wasiiro katirsan XFS Xildhibaano Maamulka Degmada Luuq, Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka Beelihii ay shaqaaqadu dhex martay.

Maxamed Cali Samow.ayaa fah-faahinaya